Nå er det vanlige folks tur - Somali

Stem Arbeiderpartiet 13. september!

Markan waa markii shacabka caadiga ah

Waxaa siddeedii sanno ee la soo dhaafey maammulka dalka hayay dowlad kordhineysa kala duwanaanshaha shacabka, oo mudnaan weyn siisey dadkii markii horeba dhaqaalahoodu uu fiicnaa. Hadda iyo doorshadan oo ah markii shacabka caadiga ah. 

  • Shaqo oo la helaa waa qodobka ugu muhiimsan ee Xisbiga Shaqaalaha. Bulsho caddaalad ku dhisan waa bulsho ay dadka badankii ay shaqeysanayaan, haystaanna shaqooyin wanaagsan oo rasmi ah. Sidaa bey muhiim noogu tahey in aan abuurno shaqooyin wanaagsan dalkoo dhan laga heli karo.
  • Xisbiga Shaqaalaha waa dammaanad qaade. Waxa uu ballanqaadayaa in bulshada loo istaago, oo la caawiyo. Iyadoon loo eegeyn meesha uu qofku deggan yahay, ama awooda dhaqaale ee uu heysto. Dhammaan shacabka waxa ay xaq u leeyihiin helitaanka fursado caawimo ah oo isku mid ah, sida marka uu qofka xanuunsado baahida uu u baahan yahey, ama marka uu waayeelka noqdo. Sidaa darteed baannu dooneynaa shaqaaleysiinta macallimiin badan oo iskuuladda ka shaqeeya iyo shaqaale heegan u ah daryeelka bukaanka iyo waayeelka.
  • Waxaan sidoo kale gaari doonnaa yoolalka cimilo ee Norway! Taana waxaan ku gaari karnaa in aan hirgelinno siyaasad cimilo oo macquul ah, oo yareyneysa qiiqa hawadda, isla markaana shaqooyin abuureysa.

Hawlaha ugu muhiimsan waxaan ku xallin karnaa wadajirnimo. 

U codee xisbiga-shaqaalaha 13. siibtambar!

Doorashadan waxaa codeyn kara dhammaan dadka dhalashada noorwiijiga qaatey. Waxa keliya ee lagaaga baahan yahey marka aad codeeneyso waa aqoonsigaaga oo aad horey u sii qaadato.